Mareegta Rasmiga ah ee Ciidanka Booliska Puntland

Mareegtan waxaad ka heli doontaa Xogta rasmiga ah ee Ciidanka Booliska

Ciidanka Booliska Puntland

Ciidanka Booliska Puntland waxaa la aas-aasay sannadkii 1998-dii, halka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, la aas-aasay 1943-dii, waana kan ugu faca-weyn Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed

Ciidanka Booliska Puntland waa Hay’adda ugu weyn ee sharci fulinta rayidka ah ee Puntland sida ku cad Qodobka 86aad ee Dastuurka Dawladda Puntland oo ka hadlaya Ciidamadda Nabadgelyada.

Ciidamada Booliska waxay u shaqeeyaan sida Ciidanka Booliska Adduunka (Interpol), shaqooyinkooda waxaa ka mid ah La-dagaalanka dambiyada, Xakameynta taraafikada, Illaalinta Nabadgelyada bulshada, iyo ka hortagga Argagixisada.

Hiigsiga Booliska Puntland:

Inaan noqonno boolis Xushmad iyo kalsoonida shacabka leh oo bixinaya adeeg tayo sare oo kaafiya baahida badqabka, amniga, iyo xasiloonidda bulshada iyo martida Puntland.
Himillada Booliska Puntland
Booliska Puntland waxa uu u heelan yahay dhawridda sharciga , badqabka , amniga, iyo xasiloonida dadweynaha iyo martida Puntland, isagoo bulshada gaarsiiya adeeg boolis tayeysan oo ka dhasha wadashaqeeynta bulshada, martida, bahwadaagta amniga, iyo deriska Puntland , si loo horumariyo jawi , xor ka ah dembiyada iyo xadgudubyada.

 

 

Telefoonka Booliska

Hadii aad aragto wax liddi ku ah Amnigaga ama Amniga deegankaga Fadlan la xiriir - 999

Wicitaanka lambarka gaaban ee boolisku waa bilaash waana laguu adeegaya marwalba aad la xiriirtid ama aad soo wacdid.

Muwaadin waa noo muhiim badqabka naftada iyo hantidaadaba

FARIINTA TALIYAHA BOOLISKA PUNTLAND

Sarreeye Guuto,
Muumin Cabdi Shire

Ku soo dhawoow Bogga rasmiga Ciidanka Booliska Puntland, Annaga oo ah hay’ad si buuxda u sharciyeysan, waxaan u adeegnaa si aan u ilaalino amniga dalkeena iyo dadkeena.”

Anigoo ku hadlaya magaca Ciidanka Booliska Puntland, waxaan u mahadcelineynaa qof walba oo soo booqday boggayaga waxaana rajeyneynaa inaad ka heshaan dhammaan xogaha muhiimka ah, had iyo jeer, waxaan kaaga mahadcelineynaa iskaashigaaga joogtada ah anagoo ku dadaaleyno inaan abuurno jawiga ugu nabdoon ee suurtagalka ah haddii aad hayso xog amniga ku saabsan, nala soo wadaag oo ku soo dir Linkaga Hoose, dhammaan xogaha aad noo soo gudbiso waa kuwa xafidan.

Adeegyada Booliska

Ciidamada Booliska waxay u shaqeeyaan sida Ciidanka Booliska Adduunka ( Interpol), shaqooyinkooda waxaa ka mid ah La-dagaalanka dambiyada, Xakameynta taraafikada, Illaalinta Nabadgelyada bulshada, iyo ka hortagga Argagixisada.

La-dagaalanka Dambiyada

Ciidanka Boolisku waxay u xilsaaranyihiin la dagaalanka Dambiyada fudud iyo sidoo kale kuso cul-culus

Illaalinta Nabadgelyada

Ciidanka Booliska waxay u xilsaaranyihiin sugidda nabadgelyada gudaha deeganada Puntland

ka-hortagga Argagixisada

Ciidanka Boolisku waxay u diyaarsanyihiin ka hortagga iyo xakameynta argagixisada noocyadeeda kala duwan

Nabad-gelyada Wadooyinka

Ciidanka Boolisku waxay leeyihiin qeyb loogu tala galay nabadgelyada wadooyinka

Adeegyada Dabdamiska

Ciidanka boolisku wasay leeyihiin qeyb u qaabilsan dabdamiska iyo xakameynta dababka

La-dagaalanka Maandooriyaha

Ciidanka boolisku waxay u diyaarsanyihiin ka hortagga iyo la dagaalanka maandootiyaha

Dambiilayaal la Raadinayo

Halkan waxaa ku xusan Sawirada iyo Magacyada Dad dalka dambi ka galay, Fadlan hadii aad aragtid, am aad xog ka heshid, Fadlan lasoo xiriir xarumaha Booliska ee deegaankaga, ama Wac 999

Mahadsanid

FB_IMG_1673379871886

Ibraahim Siidoow

FB_IMG_1673382912076

Cabdiraxmaan Ciise Axmed ( Laahoor)

IMG-20230119-WA0012-1

Bashiir Cumar Cigaal Cilmi ( Ina Cumar Jawaan)

User

Magaca Eedaysanaha

User

Magaca Eedaysanaha

Muuqaaladda Booliska

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire - Xilwareejinta

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire - Xilwareejinta

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire - Xilwareejinta